Xoogaga Al-Shabaab oo muddo kooban la wareegay deegaanka Goof-gaduud ee duleedka Baydhabo

0
898

Alshabaab1Xoogaga Al-Shabaab ayaa muddo saacado la wareegay deegaanka Goof-gaduud ee duleedka magaalada Baydhabo, kadib dagaal culus oo ka dhacay halkaas.

Sida ay sheegayaan wararka xoogaga Shabaab ayaa weeraro culus ku ekeeyeen deegaankaas oo ay saldhigyo ku lahaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, halkaas uu ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo bilowday xalay saqdii dhexe ayaa ka dambeeyay markii Al-Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen deegaanka Goof-gaduud Shabellow ee duleedka Baydhabo.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in muddo saacado ah ay dagaalka kula wareegeen ayna jiraan qasaare baaxad leh oo ay gaarsiiyeen ciidamada dowladda oo difaac hore ku lahaa deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab markii dambe ay isaga baxeen deegaanka, iyadoo ciidamo gurmad ah oo ka yimid Baydhabo ay gaareen deegaanka Goof-gaduud, si ay u xoojiyaan ciidankii deegaankaas ku sugnaa.

Al-Shabaab ayaa horay weeraro ugu soo qaaday duleedka Baydhabo, iyadoo weerarkan uu ahaa kii ugu cuslaa oo ka dhaca halkaas tan iyo markii Ciidamada AMISOM ay la wareegeen ammaanka guud ee magaalada Baydhabo laboa bilood ka hor.

Jowhar