Xukuumada Federaalka oo soo dhaweeysay howlgallada lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha shabaab

0
795

fowsiya20130905_3Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay talaabadii dhawaan ay ciidammada Komaandooska Mareykanka ku weerareen guri ku yaala degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose halkaasi oo ay ku bartilmaameedsanayeen Horjoogayaal ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Telefishinka Mareykanka ee CNN ayaa baahiyaay wareeysi uu la yeeshay R/wasaarae xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya Fowsiyo Yusuf Xaaji Aadan kaasi oo looga hadlay weerarkii dhawaan ciidamo ka tirsan miletariga Mareykanka ay ku qaadeen magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose.

R/wasaare xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya ay soo dhaweynasyo talaabo kasto oo lagu beegsanayo horjoogayasha kooxda Shabaab ee Soomaaliya ayadoo intaasi ku dartay in dowlada Mareykanka aysan fasax uga baahnayn weerar ay ku qaado kooxaha argagixisada.

‘’Waxaanu la dagaalamayna hal cadow wada shaqeyna way inaga dhaxaysaa’’ ayeey hadalkeeda sii raacisay wasiirka arrimaha dibada Fowsiyo Yusuf Xaaji Aadan.

Marwo Fowsiyo ayaa ku dheeraatay wareysiga ay sii sisaya Tv-ga CNN ka hadalka khatarta kooxaha argagixisada ah, waxaana ay muujisay sida dowlada Soomaaliya ay diyaarka ugu tahay iskaashiga quwadaha dunida si meel looga soo wada jeesto la dagaalanka Alqaacida.

 

Radio Muqdisho