Xukuumada Soomaaliya oo sheegtay in heshiiskii Addis Ababa uu qeyb ka ahaa shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka

0
1009

HeshiiskaDowladaSomaliyaIyo Jubaland20130829_2Xukuumada Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadal ka soo baxay Maamulka KMG ah ee Jubooyinka, kaasoo ay dhowaan ku qaadaceen shirka dib u heshiisiinta ee qorshihiisa yahay in dhowaan Muqdisho lagu qabto.

Shir shalay Golaha Wasiirada ku yeesheen ayaa lagu sheegay in shirka Dib u heshiisiinta Jubooyinka ee lagu waday in 5-ta bishan uu dhaco dib loo dhigay ilaa 21-ka bishan, iyadoo dib laga soo sheegi doono halka uu ku qabsoomi doono.

Hase ahaatee Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa horay u cadeeyay in shirka dib u heshiisiinta aanu qeyb ka aheyn heshiiskii Addis Ababa, isla markaana wafdi ka socda maamulkooda ay Muqdisho tageen, lana soo hadleen, isla markaana shirka dib u heshiisiinta ee Muqdisho lagu qabanayo aanu waxba ka quseyn.

Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa sheegay in heshiiskii Addis Ababa ee dowladda Soomaaliya iyo Maamulka KMG ah ee Jubba ku gaareen uu qeyb ka ahaa in shir dib u heshiisiin la qabto.

Ridwaan X. Cabdiweli ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo hadalka ka soo yeeray Afhayeenka Maamulka KMG ee C/naasir Seeraar, isagoo xusay in aanu maqlo warkaas, balse in shir dib u heshiisiin la qabto ay aheyd mid horay loo iclaamiyay sida uu yiri.

Maamulka KMG ah Jubba ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa ku tala jira in dhowaan uu magacaabo Golaha Wasiirada maamulkaas, waxaana hadii taas ay dhacdo ay keeni karta in khilaaf cusub uu ka dhex abuurmo dowladda iyo maamulkaas.

Heshiiska Addis Ababa ayaa dhigayay in lix bilood ay gacanta ku hayaan Dekeda iyo Air Porka maamulka KMG ee Jubba, kadibna dowladda ay la wareegto, ayna soo magacawdo xubnihii maamuli lahaa.

Jowhar