Xukuumadda oo ka hadashay duqeynta ka dhacday Jilib

0
954

CabdikariimGuuleedWasaaradda Arrimaha Gudaha iyo amniga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay duqeyn shalay gelinkii dambe ka dhacday meel u dhow tuulada Dhaay Tubaako, oo hoos tagta degmada Jilib ee gobalka Jubbada Dhexe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, C/Kariin Xuseen Guuleed, oo u warramay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in dowladdu ay qeyb ka ahayd weerarka duqeynta ah ee ka dhacay tuuladaasi.

Wasiirku wuxuu sheegay in weerarkaasi lagu dilay nin ka tirsanaa ahaa hor-joogeyaasha malleeshiyada Al-shabaab oo lagu magacaabi jiray Ibrahim Cali (Anta-Anta), kaas oo sida uu wasiirku sheegay u qaabilsanaa maleeshiyada samaynta miinooyinka iyo waxyaabaha qaraxa dhaliya.

C/kariin Xuseen Guuleed ma sheegin cidda geysatey weerarkan.

Howlgalkan ayuu ku tilmaamay wasiirku, in uu wax badan ka qabanayo amniga waddanka, isaga oo sheegay in howl galkani uu qeyb ka yahay tallaabooyinka lagu baacsanayo malleeshiyada Al-shabaab ee xiriirka la leh Ururka Al-Qacidda.

 

Bar-kulan