Xukuumadda oo sii daynaysa Soomaalida ku xiran dalalka dibadda

0
815

RidwanXaajiXukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wadda qorshe lagu sii daynayo maxaabiista Soomaalida ah ee ku xiran dalalka Liibiya, India, Kenya, Ethiopia, Seychelles, Yeman iyo dalal kale.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya oo shalay warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay Soomaaliya ka codsatay dalalka ay ku xiran yihiin maxaabiista Soomaalida ah iyo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha in qareenno loo qabto maxaabiista, oo laga shaqeeyo sidii loo sii deyn lahaa.

Ridwaan ayaa sheegay inay dowladda horay ugu guuleysatay inay sii deyso qaar ka tirsan maxaabiista Soomaalida ah ee ku xiran dalalka dibadda.

Afhayeenku wuxuu hadalkan sheegay markii uu soo dhamaaday shirkii toddobaadlaha ahaa Golaha Wasiirrada oo shalay ka dhacay Muqdisho.

 

Bar-kulan