24 qof oo Soomaali ah oo sagaal ka mid ah ay dumar yihiin ayaa lagu xiray magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Sudan.
Cabdiweli Xasan Xuseen (Fadiilatuhu) oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaalida ee waddanka Sudan ayaa maanta Bar-kulan u sheegay in Soomaalida la xiray xilli doon sidday oo ka timid dalka Yemen ay ku soo xiratay dekedda Port-Sudan ee dalka Sudan.
Wuxuu tilmaamay in dadka la xiray ay sharci darro ku tageen Sudan, isla markaana ay yihiin Soomaalidii ugu horreysay oo tahriib ah oo ka soo gala dhinaca dekedda Port- Sudan.
Cabdiweli ayaa xusay in safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaalidu ay wadaan dadaallo lagu soo deynayo dadka xiran.
Soomaalida u tahriibaysa Yurub ayaa inta badan Sudan ka soo gali jiray xudduuda Itoobiya iyo Koonfur Sudan.
Dekedda Port- Sudan waxay ku taallaa waqooyi Bari dalka Sudan, 675 KM ayayna u jirtaa magaalada caasimadda ah ee Khartoum.
Bar-kulan