Allpuntland
Sarkaal sare oo ka tirsan Isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho oo ayaa sheegatay in Mudooyinkii danbe ay kor usoo ka cayeen dadka Soomaaliyeed ee ay ka helayaan Cudur dhaliyaha HIV.
Luul Maxamed Maxamuud oo Waraysi siisay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegtat in bil kasta ay baaraaan 600 oo qof, iyadoona Labadii Bilood ee ugu danbaysay HIV laga helay 250 qof oo Muqduisho ku nool.
HIV-ga ayaa ay sheegaan inay ka heleen inta badan dad waawayan oo is qaba, iyadoona sidoo kale dhalinyaradana ay kujiraan dadkaas ay baareen oo qarkood ay ka heleen.
Waxaa Jirta Dawo Kaalmaati ah oo lasiiyo qofka Xanuunka qaba kaas oo Jirkiisa Difaac siinaya sida ay sheegtay Madaxda Caafimaadka ee isbitaalka Banaadir Luul.
Soomaaliya waa Dal Muslim ah, iyadoona dad badan oo ku sugan Magalada Muqdisho ay sheeayaan in Cudurkaan ku faafidiisa gudaha ay keenayso Ciidamada shihseeye ee Dalka Kusugan kuwaas oo aan Xaaladooda Xaafimaad la baarin xiliga ay Dalka Soogalayaan.