Qasaaraha ka dhashay duufaan wadatay roobab oo afartii maalmood ee la soo dhaafay ku dhifatay deegaanada bari ee Puntland ayaa isa soo taraya, iyadoo in ka badan 100-ruux la xaqiijiyay inay ku dhinteen.
Aabe lix caruur iyo hooyadood ayaa ka mid ahaa dadkii ay qaadeen roobabkii watay duufaanta ee ka da’ay degmada Eyl, isagoo sheegay in wali uu la’yahay.
Aabahan oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in doraad gelinkii dambe uu helay mid ka mid ah meydadka wiilashiisa.
Deegaanada Xeebaha Bari ayaa waxaa ka jira xaalad adag, iyadoo la sheegay in ilaa 50-kun oo ruux ay ku barakaceen duufaanta Cyclone, halka 5-kun kale ay ku go’doonsan yihiin deegaanada.
Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayay oo shalay tagay deegaanada dhibaatada ka dhaceen ayaa u suura geli weysay inuu gaaro deegaanada kale, maadaama daadadka ka dhashay roobabka duufaanta watay ay kala gooyeen wadada laamiga ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaamay musiibo qaran, iyadoo ugu deeqday hal milyan oo dollarka Mareykanka oo wax loogu qabanayo dadka ku waxyeeloobay roobabka duufaanta watay, waxaana ay u magacawday Gudi heer qaran oo wasiiro ku jiraan.
Duufaanta ku dhifatay deegaanada bari ee Soomaaliya ayaa ah musiibadii ugu ba’neyd, marka laga soo tago Tsunamidii deegaano badan oo xeebaha Soomaaliya ku yaala ku dhifatay sanadii 2004-tii.
Jowhar