Abuu Muscab “Ujeedka aan ka laheyn weeraradii B/weyn wuxuu ahaa in Jabuutiyaanka banaanka u soo baxaan”

0
888

Afhayeenka howl galada Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay dhaq dhaqaaqyada Ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ay ka wadaan Gobolka Hiiraan, isagoo xusay inay sugayeen in ciidamada oo ka soo baxa difaacyadooda.

Abuu Muscab ayaa sheegay in howl galo ka dhacay Hiiraan ay ku guuleysteen in ciidamadii ka soo baxay Beledweyn u daba maraan, isla markaana weeraro ku qaadaan sida uu yiri.

“Magaalada Beledweyn maalmahii la soo dhaafay waxaa ku socday weeraro is daba joog cadawga alle ay mujahidiinta la eeganayaan, weerarada ujeedooyinka laga lahaa ay ka mid yihiin in cadawga banaanka looga soo saaro magaalada iyo difaacyada si ay u suurta gasho qasaare intaas ka xoog badan u soo gaarp”ayuu yiri Abuu Muscab.

Waxaa uu sheegay inay hirgashay qorshihii ay ka lahaayeen weeraradaas, isla markaana Ciidamada Jabuuti ay isku fara saareen meel ku dhow deegaanka Baarka oo 18-KM dhanka galbeed ka xiga Beledweyn, kadib markii ciidamo sahan ahaa ay dagaal kala hortageen, isla markaana ay ka awood roonaadeen sida uu yiri.

Abuu Muscab ayaa sidoo kale cadeeyay in Ciidamada Itoobiya oo ka soo baxay dhinaca bari ay soo gaareen deegaan 17-KM u jira, isla markaana ay ugu daba mareen deegaanka Ceel Muslim oo bariga magaalada ah, ayna dib u laabtee.

Ugu dambeyn Sheekh C/casiis Abuu Muscab in istiraatiijiyadooda ay qeyb muhiim ah ka tahay in ciidamada ay difaacyada ka soo saaraan, si banaanka ugu soo baxo, isla markaana qasaare u soo gaaro, isagoo tusaale u soo qaatay dagaalkii Dayniile oo Ciidamo badan oo Brundi ah ku laayeen.

 

Jowhar.com

Alshabaab