Xarakada Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalo ay shalay kula galeen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyagoo hanjabaad u jeediyay Ciidamada Jabuuti oo haatan ka wada Gobolka dhaq dhaqaaqyo milateri.
Afhayeeka Howl galada Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in wadada u galeen Ciidamada Jabuuti, ayna gaarsiiyeen qasaare xoogan, isla markaaa dib ugu laabteen.
“Murtadiinta Jabuuti oo wata afartameeyo gaari waxay u soo jeestee deegaanka Luuq Jeelow, mujaahidiinta wadada u galay, rasaas culus ayaa halkaas lagu weydaarsaday dib ayay u laabteen”ayuu yiri Abuu Muscab.
Abuu Muscab ayaa sheegay in Ciidamada Jabuuti ay dib ugu laabteen, markii deegaanka Baar ay ku weerareen, isla markaana gaadiidkooda uu kala firxaday, kana carareen ciidamadooda oo uu tilmaamay inay howdka galeen.
“Gaadiidkooda waa firdhaday waxay u carareen Beledweyn, ciidanka lugta howdka ayay galeen, mujaahidiinta ayaa baacsaday, goobtii laga qabsaday qaniimo ayaa ka helnay, raadadka qasaarahooda ayaa aragnay dhiig badan dhulka daadsanaa”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Dhinaca kale Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay in aanay uga hari doonin Ciidamada Jabuuti hadii ay gododkooda dib ugu laabtaan, isagoo cadeeyay in inta ay dalka ka baxayaan ay weerarada ku soo wadayaan.
Maalmihii u dambeeyay ayaa Ciidamada dowladda, AMISOM oo wehliya ciidamada Itoobiya ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka sameeyeen duleedyada Beledweyn, iyagoo la wareegay deegaano dhowr ah.
Jowhar