Alshabaab oo sheegay in ay weerareen dayuuradii uu saarnaa madaxweyne Xasan Sheekh

0
915

Alshabaab1Afhayeenka dhanka howlgalka u qaabilsan xarakada Al-shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in ay ay weerar ku qaadeen dayuuradii siday wafdigii uu horkacayay madaxweyne Xasan Sheekh ee geysay magaalada Kismaayo.

Abu Muscab ayaa sheegay in ay hore u diyaarsadeen wixii hub ahaa ee ay u baahnaayeen isla markaana ay intii aysan soo degin dayuurada uu la socday madaxweyne Xasan Sheekh ay hawada sare ku rideen gantaalada lidka dayuuradaha ee uu ka mid yahay qoriga Zuuga.

Afhayeenka howlgalada ee ururka Alshabaab ayaa intaa ku daray in markii ay dayuuradu soo caga dhigatayna ay ku rideen madaafiic.

Hase yeeshee afhayeenka ururka Alshabaab u qaabilsan dhinaca howlgalada C/casiis Abuu Muscab ma sheegin wax khasaare ah oo ay geysteen weerarkii ay qaadeen.

Jowhar