Amiirka Al-Shabaab oo xiray Yuusuf Kaba-tukade iyo saraakiil kale

0
1107

KaboKuTukadeYuusuf Sheekh Ciise Kabakutukade ayay websetyada taageera kooxda Al-shabaab lagu qoray in xabsiga la dhigay Gudoomiyihii Al-shabaab ee gobolka Shabeelada dhexe Yuusuf Sheekh Ciise oo loo yaqaano Kaba-kutukade iyo saraakiil la socotay kadib markii uu u yeeray Amiirka Al-shabaab.

Ujeedka loo xiray Kaba kutukade iyo saraakiisha la socotay ayaa ilaa iyo hadda la ogayn, hase yeeshee waxaa la leeyahay waxaa u yeeray Axmed Godane oo ah Amiirka Al-shabaab si ay uga qeybqaataan siminaar Diini ah oo lagu wacyi gelinayo Al-shabaab markii uu tageyna waxaa la sheegay in hubkii laga dhigay dabadeedna la xiray.

Xarigga Kaba-kutukade ayaa la ogaaday kagadaal markii uu la soo xiriiray ilaadiisa uuna sheegay inuu maxbuus yahay lagalana wareegay hubkii uu watay iyo Telfoonkiisii.

Dhinaca kale lama oga halka uu ku xiranyahay iyo cida la xiran, hase ahaatee waxaa la rumeysan yahay inuu u gacan galay hogaanka Al-shabaab oo waayadaanba dilal iyo xarig ku haayay ragga hoos joogayaashiisa ah.

Somaliweyn