Taliska ciidamada AMISOM iyo taliska ciidamada nabad sugidda dowladda Somaaliya ayaa diiday oo horistaag ku sameeyay banaanbax la doonayey inuu maanta ka dhaco magaalada Muqdisho, kaas oo laga soo abaabulay xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, lana doonayey in taageero loogu muujiyo R/wasaraha, loogana soo horjeesto iscasilaada laga dalbaday R/wasaraha.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in warqado ay ku kala saxiixnaayeen taliyeyaasha ciidamada nabad sugidda dowladda Soomaaliya iyo kan AMISOM la geeyay xafiiska R/wasaaraha gaar ahaan xafiiska arrimaha bulshada u qaabilsan waxaana loo sheegay inay joojiyaan banaabaxa ay abaaylayaan haddii ay ku adkeystaan qabashadiisana ay wixii ka yimaada iyaga ay mas’uul ka yihiin.
Warqadaha ka soo kala baxay talisyada AMISOM iyo kan nabadsugidda dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in fagaarayaasha iyo waddooyinka Muqdisho aan wax banaanbax ah lagu dhigi-karin, sidoo kale waxa warqadaha lagu sheegay in sababta ay u diidanyihiin banaanbaxa R/wasaaraha lagu taageerayo ay tahay sababo amaan, iyagoo sheegay in lagu soo dhexdhuuman karo sidaasina uu amaanka qalqal ku geli-karo.
Ma aha markii ugu horeysay oo ay AMISOM ishortaag ku sameyso banaanbax la doonayey in lagu taageero R/wasaare Soomaliyeed, waxaana la xasuustii inay diiday banaanbaxyo waa weyn oo Muqdisho ka dhacay markii dambe oo lagu taageerayey R/wasaarihii Xukuumaddii KMG aheyd ee Farmaajo, inkastoo shacabka Soomaliyeed ay dhegaha ka fureysteen diidmada AMISOM banaanbaxyaduna ay qabteen, kuwaas oo geystay khasaare nafeed oo soo gaaray qaar ka mid ah dadkii banaanbaxayey ka dib markii ay rasaas ku fureen ciidamo ka tirsanaa kuwa dowladda oo diidanaa banaanbaxa in la dhigo.
Warkii