Wararka ayaa sheegaya in Xabsiga la dhigay Wariye C/Casiis Afrika iyo Jibriil oo ka wada tirsan Idaacada iyo Tv-ga Qaranka Soomaaliya.
Labadan Wariye ayaa loo haystaa inay kufsadeen gabar saxafiyad ah oo ka shaqeynaysay Idaacada ku hadasha afka Haweenka ee Kasmo oo Muqdisho kutaal.
Kufsigan oo dhacay sedex bil kahor ayaa waxaa ay gabadha saxafiyad ah ay sheegtay inay aqoon weysay meel ay kusoo bandhigto kadib hanjabaad uga timid ragga kufsaday.
Idaacada Kasmo oo ah halka ay gabadhan ushaqeynaysay ayaa shaqada ka joojisay Faadumo kadib markii ay ogaysiisay in la kufsaday.
Waxaa ay sidoo kale sheegtay Faadumo in loogu hanjabay in la dili doono iyada iyo aabaheed hadii ay shaaciso warka kufsigeeda ah.
Waraysi Warbaahinta Caalamka ay siisay Faadumo ayaa waxaa ay ku qiratay in la kufsaday hanjabaad badana ay kala kulantay raggii kufsaday.
Dowlada Soomaaliya ayaa la rumaysan yahay inay isku dayday in kiiskan ay si hoose ku xaliso hase ahaatee QM iyo Warbaahinta Caalamka oo xogtan helay ayaa su’aallo badan keenay.
Ragga kufsiga lagu eedeeyay ayaa iska joogay banaanka, waxaase markii danbe kiiskan la wareegay Amisom oo amartay in la xiro.
Sidoo kale waxaa wali xabsiga ku jira Wariye Maxamed Bashiir oo loo haysto inuu baahiyay Warka dhibane Faadumo oo ah gabadha la kufsaday.
Warkii