Axmed Madoobe “Cid Al-Shabaab iiga aqoon badan ma jirto, ma ahan inay diin u dagaalamayaan”

0
907

AxmedMadoobe20130911_1Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo xalay ka hadlayay kulan casho sharaf ah oo uu u sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Al-Shabaab aanay diin u dagaalameyn.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in aanay jirin cid uga aqoon badan Al-Shabaab, isagoo cadeeyay in aanay diin u dagaalameyn oo fikirkooda yahay mid manhaj qawaarij ah sida uu yiri.

“Cid Al-Shabaab iiga aqoon badan ma jirto, ma ahan inay diin u dagaalamayaan, ma dadkaas oo leynaya dad baaga-muundo ah ee maqaayad ku shaahaya ee isku qarxiyay maqaayada hooyooyinka ee yiri waa FBI ayay u shaqeeyaan, ma shacabka Soomaaliyeed ayaa wada noqday FBI”ayuu yiri Axmed Madoobe.

“Ma waxaa lagu shahiidayaa maqaayadaha dadka ku shaahaya, ninka ugu liita ee dantooda qaata waa mujaahin kan ugu qeyrka badan, midka ka hor yimaada waxay leeyihiin waa Murtad, marka Manhajul qawaarij ayay wataan”ayuu hadalkiisa ku daray.

Axmed Madoobe ayaa xusay in Al-Shabaab ay isu dilayaan mid mid, isagoo soo qaatay dilkii Ibraahim Afqaan oo sheegay inuu ahaa ninkii keenay Axmed Godane sida uu yiri.

“Axmed Cabdi Godane markii uu dilayay Ibraahim Afaqaan oo ah ninka keenay meesha ma diin buuku dilay asigaa baraye”ayuu mar kale yiri Axmed Godane.

Waxaa uu sheegay in wax walba oo Soomaaliya isku fashay ay gacantooda ku keensatay, isla markaana aanay jirin cid ku soo duushay oo dhibaatadan dhaceysa ka dambeeya sida uu yiri.

Mar uu soo hadal qaaday heshiiskii Addis Ababa waxaa uu ammaan kala dul dhacay Wasiirka Arrimaha dibada Itoobiya oo fadhiya goobta cashada, waxaana uu ku tilmaamay inuu ahaa ninka kaalinta weyn ka qaatay heshiiska ee aan marna seexan.

“Wasiirka Arrimaha dibada Itoobiya Dr. Tedros Adhanom wuxuu ahaa ninka nagu dhex jiray ee aan marna nasan, markii Faarax C/qaadir oo Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Afhayeenka Baarlamaanka taleefan kula soo hadlayay waa ninka albaabka ugu garaacayay ee heshiiskan inuu mira dhalo doonayay”ayuu yiri Axmed Madoobe oo hadaladiisa ay ka muuqdeen mid uu madaxda dowladda ugu dhaga hadlayay.

Hadalka ka soo yeeray Axmed madoobe ayaa ku soo beegmaya, xilli shalay la isku khilaafay shirkii dib u heshiisiinta Jubooyinka oo la soo gaba gabeeyay, kadib markii la isku qabtay qodobo dhowr ah iyo saxiixa heshiiskaas.

Jowhar