Baarlamaanka oo soo dhoweeyay talo loo jeediyay

0
940

xildhibaanadaBarlamaanka20131124_8Guddonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan baaqa Ururrada Bulshada rayidka ah ee magaalada Muqdisho, oo ku baaqay in la hagaajiyo anshaxa golaha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), oo shalay kulan kula yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in la xushmeyn doono fikradaha iyo talooyinka ururrada bulshada rayidka.

Xubno ka socday ururrada bulshada rayidka, culumaa’uddiin iyo waxgarad ayaa kala hadlay Jawaari xaaladaha ka jira dalka, iyaga oo ugu baaqay baarlamaanka Soomaaliya in aanay siyaasaddooda dhanna u janjeerinin, isla markaana aysan howshooda iyo awooddooda u adeegsan dhanka warbaahinta.

Jawaari ayaa hadalkan ku tilmaamay in uu yahay mid baarlamaanka ku dhiirra gelinaya in howshooda ay u qabsadaan sida ugu wanaagsan ee lagu hagaajin karo mustaqbalka waddanka.

 

Bar-kulan