Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in saaka uu fadhi ka yeesho mooshin ka dhanka ah Ra’iisul Wasaaraha, kaasoo dhowaan ay soo gudbiyeen in ka badan boqol xildhibaano ah.
Mooshinkan oo ah mid kalsoonida lagala noqonayo ayaa mudanayaasha baarlamaanka saaka loo qeybin doonaa, iyagoo ku soo aqrisanaya muddo hal cisho ah.
Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah xogheynada Baarlamaanka ayaa u sheegay Warbaahinta maxaliga ah in Mudanayaasha baarlamaanka la horkeenay mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha.
“Waxaa saaka fadhi yeelanaya mudanayaasha baarlamaanka, waxaa horyaala labo ajande oo mid uu yahay mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul Wasaare Saacid”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.
Wararka ayaa sheegaya in maalinta berri codka kalsoonida loo qaadayo Ra’iisul Wasaaraha, marka Mudanayaasha Baarlamaanka maanta loo qeybiyo mooshinka, isla markaana ay soo aqristaan.
Kulanka saaka ayaa waxaa shir gudoominaya Afhayeenka Baarlamaanka Prof, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, iyadoo Xildhibaanada baarlamaanka laga hor aqrin doono mooshinka laga keenay Ra’iisul Wasaaraha.
Waxaa socda loolan xoog leh oo u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ku saabsan kala jiidashada Xildhibaanada Baarlamaanka, si midba midka kale uu uga guuleysto.
Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa sabab u ahaa mooshinkan, iyadoo la rumeysan yahay in Madaxweynaha uu doonayo in ridista Ra’iisul Wasaaraha u adeegsado Xildhibaanada, kadib markii Ra’iisul wasaaruhu uu diiday inuu is casilo.
Jowhar