Xog-hayaha Gudd ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa Talaadadii shalay si adag u cambaareeyay weerarradii maleeshiyada Al-Shabaab ay ku qaadday saldhig boolis oo ku yaalla magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Ban Ki-moon ayaa war qoraal ah ku sheegay in falalka argagaxisannimo ee Soomaaliya ay sababeen dhibaatooyin baaxad weyn leh.
“Falalka argagaxisannimo ee ka dhanka ah dowladda iyo dadweynaha Soomaaliyeed waxay sababaeen dhibaato baaxad weyn leh,” ayuu Ban Ki-moon ku yiri qoraalkiisa.
Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo uu waday qof is-miidaamiye ahaa ayaa ku qarxay ganjeelka weyn ee saldhigga booliska, kaddibna dabley ka tirsan Al-Shabaab ayaa gudaha u gashay saldhigga. 29 qof oo ay ku jiraan dableydii weerarka geysatay ayaa ku dhintay weerarka.
Magaalada Beledweyne oo 300 km dhinaca waqooyi uga beegan magaalada Muqdisho waxaa saldhig ku leh ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Bar-kulan