Bandhig cilmiyeedkaan lagu daahfurayey buugaag xambaarsan daraasado mug weyn oo lagu sameeyey ganacsiga, bangiyada islaamka iyo hoggaaminta, ku qoran af-Soomaali, una qoran qaab cilmiyaysan ayaa xalay lagu daahfuray magaalada Leicester ee waddanka Ingiriiska. Bandhig cilmiyeedkaas oo ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin, culimaa’uddiin, waxgarad, dhallinyaro iyo dad badan oo bulshada dhexdeeda magac iyo maammuus ku leh ayaa xubnihii madashaas ka hadlay waxay tilmaameen muhimadda ay leeyihiin bandhigyada noocaan oo kale ah iyo baahida shacabka Soomaaliyeed u qabaan buugaagta xambaarsan macluumaadkaan.
Cabdiraxmaan Axmed Guuleed (Shiino) oo xiriirinayey barnaamijka ayaa xusay in bandhiggaani, inta uu ogyahay, noqonayo bandhigii 20-aad ee qoraagu, Saciid Cali Shire, la wadaagay mujtamaca Soomaalida ee ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee Yurub. Shiine wuxuu intaas ku daray in farriimaha uu Saciid la wadaagayey bulshadu ay ahaayeen kuwo waxtar u leh jiritaankeenna iyo horummarkeenna ummadeed. Saciid Cali Shire wuxuu bandhigyadaas hal-ku-dhig uga dhigay “Si aad xor ugu noqoto masiirka noloshaada”. Waa halkudhig muhiim ah oo xambaarsan farriimo mudan in qof kasta oo Soomaali ah ay gaaraan. Maaddaama, inteenaan Eebbe (sw) inoo kasay in aan caawa ka qaybqaadannana waxaan soo jeedinayaa in aan ka faa’iidaysanno bulshada kalena gaarsiinno.
Sh. Cabdulqaadir Dalmar oo ka mid ah culimada sida weyn looga yaqaanno guud ahaan Ingiriiska gaar ahaan Leicester, ahna aqoon yahan ku takhasusay cilmiga maaliyadda iyo Bangiyada Islaamka, ayaa isna dhinaciisa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay guud ahaan wax akhrisku, gaar ahaan buugaagta xambaarsan mawaadiicda cilmiga ah. Sh. Dalmar wuxuu xusay in diinteennu tahay diin dadka ugu yeeraysa wax akhrin. Isagoo arrintaas ka hadlaya ayaa sheekhu ku dheeraaday xikmadda ku jirta iyo casharada laga baranayo in Qur’aankii u horreeyey ee Rasuulka (scw) lagu soo dejiyey ahaa ‘akhri’. Sh. Dalmar wuxuu sidoo kale ku fogaaday xiriirka ka dhexeeya wax akhriska iyo cilmiga.
Sh. Cabdulqaadir Dalmar oo dulmar kooban ku sameeyey buugga ‘Bangiyada Islaamka’ ayaa tilmaamay in buuggaani, sida rag khubaro ah oo akhriyey qireen yahay: tixraac, jaantus, fursad, khariidad iyo fure. Waa khariidad ama jaantus kugu jihaynaya maalgashiyada xalaasha ah; waa tixraac qofkii raba in uu derso ama wax ka ogaado hannaanka maaliyadeed ee Islaamka; waa fure bulshadeenna u horseedaya baraarug cusub; waa fursad dhammaan dadka cilmiga iyo horummarka jecel. Sh. Dalmar wuxuu xusay in xilligii uu ku jirey waxbarashada ‘Bunuugta Islaamka’ uu buuggani u ahaa wehel iyo saaxiib aan marna agtiisa ka maqnaan. Wuxuu ugu dambayn, Sh. Dalmar dadkii ku boorriyey in ay akhriyaan buuggaan iyo buugaagta kaleba macluumaadka ay xambaarsan yihiinna ka faa’iidaystaan.
Dr. Maxamed Xaashi Carrabay, madaxweynaha Dawlad-goboleedka Bartama Soomaaliya, ahna siyaasi ruug caddaa ah oo si weyn looga yaqaan bulshada dhexdeeda oo isna dulmar kooban ku sameeyey buugga ‘Hoggaamiye’ ayaa xusay in buuggaan oo kale uu dhif iyo naadir ku yahay maktabadaha Soomaalida. Waa dhif iyo naadir marka la fiiriyo mawduuca buuggu ku saabsan yahay, macluumaadka uu xambaarsan yahay, qaabka uu u qoran yahay, luuqadda uu ku qoran yahay iyo xilliga uu ku soo beegmay intaba. Ogaantay, waa yar yahay buug maanta Soomaali uga baahi badan tahay ayuu Maxamed ku celceliyey isagoo sare u qaadaya buugga. In kastoo macluumaadka buuggu xambaarsan yahay oo dhammi muhiin yahay, haddana, laba qaybood ayaa aniga si gaar ah ii soo jiitay. Qaybta hore waa cutubka ka hadlaya hoggaamiyayaashii hore ee Soomaaliya, qaybta labaadna waa tiirarka iyo udub-dhexaadka hoggaaminta. Meesha cutubka hore nal ku ifinayo taarikikh miskiga ka udgoon oo bulshadeennu baahi weyn u qabto; cutubka dambe wuxuu soo bandhigayaa mastarad lagu cabbiro ama miisaan la saaro qof kasta oo jecel in uu noqdo hoggaamiye. Waxaa si aad ah ii soo jiitay qiyamka iyo dowrka ay ku leedahay in hoggaamiyuhu noqdo mid waxtar ah bulshadana ku soo kordhiya horummar.
Cabdixakiim Jaamac Jooje, oo ka mid ah aqoonyahannada ugu magaca dheer Leicester, ahna qoraa, la taliye arrimaha bulshada iyo guddoomiyaha jaaliyadda Puntland ee Leicester, oo isna, dhinaciisa, dulmar kooban ka sameeyey buugga Furaha Ganacsiga ayaa xusay in buuggaani dib u soo nooleeyey xusuustiisii ganacsiga. Cabdixakiim wuxuu xusay in buuggaani waxweyn ka beddelayo guud ahaan fahanka ganacsiga, gaar ahaan fahanka ganacsiga casriga ah. Cabdixakiim wuxuu xusay in buuggu dadka ku qalabaynayo fahan cilmiyaysan, hufan, casrina ah. Waa fahan qofkana ka dhigaya qof waxtar ah, ganacsigiisana ka dhigaya ganacsi ka dhex muuqda sayladaha ganacsiga. Waa buug mudan in qof kasta oo ganacsi ku jira ama niyadda ku hayaa uu akhriyo, kuna cel-celiyo.
Maxamed Cabdullaahi Cartan, madaxa shirkadda daabacaadda iyo iibgeynta buugaagta ee LooxPress oo isna dulmar kooban ku sameeyey hawlaha shirkaddiisu qabato iyo adeegyada ay u qabtaan qorayaasha iyo dadweynaya ayaa xusay in ay qorayaasha ka caawiyaan qurxinta, qaabaynta, daabacaadda, soo bandhigista, iibinta iyo qaybinta buugaagta. Dhinaca dad weynaha, Maxamed wuxuu xusay in ay dadka u fududeeyeen sidii ay buugaag tayo leh, laguna kalsoonaan karo, u heli lahaayeen iyagoo guryahooda jooga.
Saciid Cali Shire, qoraaga buugaagta Furaha Ganacsiga, Hoggaamiye iyo Bangiyada Islaamka oo ugu dambayntii goobta ka hadlay ayaa u mahadnaqay guud ahaan ka soo qaybgalayaasha, gaar ahaan Madaxweyne Maxamed Xaashi, Sh. Cabdulqaadir Dalmar, Cabdixakiim Jaamac Jooje, Maxamed Cartan iyo Cabdiraxmaan Shiino dowrkii ay ku lahaayeen abaabulka iyo hirgelinta bandhiggaan. Saciid wuxuu si gaar ah mar labaad iyo mar saddexaadba ugu mahadceliyey Maxamed Xaashi iyo Cabdixakiim oo uu xusay in la’aantood uusan barnaamijkani qabsoomeen. Saciid wuxuu sidoo kale xusay dowrka Maxamed Cartan iyo LooxPress ka qaataan tayaynta waxa qoran iyo gaarsiinta bulshada.
Mahadnaq ka gadaal, Saciid wuxuu ku dheeraaday isbeddelladii ka dhacay caalamka labaatankii sano ee la soo dhaafay iyo saamaynta isbeddelladaasi ku yeesheen muuqaalka mujtamacyada caalamka. Saciid wuxuu xusay in la galay seben aqooneed (knowledge era), horummarka bulshooyinkuna, galladda Eebbe ka sokow, sebenka maanta ah uu ku xiran yahay heerka aqooneed ee bulshadaas. Si bulshadeennu ula jaanqaado isbeddelladaas caalamka hareeyeyna, Saciid wuxuu xusay in ay muhiim tahay in noocyada kala duwan ee culuumta loo soo gudbiyo bulshadeena iyagoo ugu qoran luuqad ay fahmi karaan, i.e. luuqaddooda hooyo. Saciid wuxuu intaas ku daray in saddexda buug ee Furaha Ganacsiga, Hoggaamiye iyo Bangiyada Islaamku ay, idanka Eebbe, qayb ka yihiin dadaalkaas horummar u hilowga ah.
Mar Saciid ka jawaabayey su’aal la xiriirta hal-ku-dhiga bandhiyadiisa – “si aad xor ugu noqoto masiirka noloshaada” – Saciid wuxuu xusay in qof maskaxda iyo maanka laga haysto uusan xor u noqon karin masiirka noloshiisa; in qof jahli oo aan xirfad lahayni uusan xor u noqon karin masiirka noloshiisa; in qof aan ku baraarugsanayn meesha caalamku marayo iyo hirarka la higsanayo uusan xor u noqon karin masiirka noloshiisa. Haddaba si qofku xor ugu noqdo masiirka noloshiisa waa muhiim in uu yeesho xirfad, waa muhiim in uu bilo aqoontiisa, waa muhiim in uu dhiso naftiisa, saddexda buugna, idanka Eebbe waa saddex buug oo dhisaysa garashada, fahanka iyo fekerka qofka. Sidoo kale, saddexda buug waxay gacan ka geysanayaan sidii ganacsiyadeennu uga dhex muuqan lahaayeen sayladaha caalamka, hey’edeheenu dadka ugu soo bandhigi lahaayeen adeegyo hufan oo ka turjymaya baahiyohooda, maammulada ka jiraa waddankiina, heer kasta oo ay noqdaan, ay gacan uga geysan lahaayeen horummarka dalka iyo dadka.
Marka laga soo tago bandhigyada noocaan oo kale ah oo ujeeddadoodu tahay wacyigelin iyo warbixin, Saciid wuxuu xusay, sidoo kale, in ay bixyaan siminaaro iyo la-talin dhanka ganacsiga, bangiyada islaamka iyo hoggaaminta ah.
Saciid Cali Shire
e. saidshire@buuh.net
t. 44 (0) 7838236171
w. www.buuh.net