Beeraleyda G/Gedo oo ka faa’iideysanaya roobabka deyrta oo ka da’ay gobolkaasi

0
1097

Beeralayda iyo xoola dhaqatada gobolka Gedo ayaa ka faa’idaysanaya roobabka xilliga deyrta ah oo ka mid ah nimcada rabbi ayaa haddana geesta kale waxa jira baahiyo caafimaad oo ka taagan deegaanno ka tirsan gobolkaasi iyo saameynta ka dhalatay roobabkaasi oo deegaannada qaar ay go’doomiyeay.

Roobabka xilliga deyrta oo ka curtay gobollo badan oo ka mid ah dalkeenna ayaa waxa aad ugu diirsaday dadka reer Miyiga ah oo ay xoolohahoodu kaga bogsadeen diifta ay badday abaar aad udaba dheeraata oo ay iyaga iyo xoolohooduba waayo badan magan ahaayeen

Beeraleyda ayaa iyana aad ugu xamdi naqay Eebbe oo dhaxalsiiyey iney barwaaqoobaan dibna u bilaabaan beerashadii xagga wax soo saarka beeraha oo aaney muddo badan ku hamin iney soo saaraan dalagyadii abaaro jirey iyo biyo la’aan heysatay dhulka ka fog webiyada.

Degmada Bohol Garas ayaa waxa ka jira saameyn xoog leh oo ay roobabku daadad ay dhigeen degmadaasi sababtay iney istaagaan gaadidkii maciishadda keeni jirwey magaaladasi, iyagoo maamulka degmadasina kawaramay mushkiladaha degmadsi ka jira.

Dahir Duqow Cumar G/ku xigenka degmada Bohogarasayaa xusay in dadka ku nool degmadasi ay u baahanyihiin gargaar dhanka C/maadka ah si loola tacaalo kaneeco iyo cayayaan ka dhashay daadadka roobabku dhigeen.

Degmoyin badan oo ka mid ah dalka waxa kajira baahi Caafimaad oo laga sugayo dowladda dhexe iney kajaabto baahiyaha ka imanaya umadeeda.

Radio Muqdisho

Beero