Booliiska Kenya oo 300 qof ka qabqabtay xaafadda Islii, Nairobi

0
1188

KenyanSoldiersInEastleighIn ka badan 300 oo qof oo looga shakisan yahay in ay sharci darro ku joogeen dalka Kenya ayaa lagu qabqabtay howlgal ay xalay ciidamada booliiska dalkaas ka sameeyeen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Booliiska ayaa sheegay in dadkan intooda badan aysan heysan wax sharci ah, gabaadna ka dhigteen Islii oo ay ku badan yihiin Soomaalida degan Nairobi.

Dadka la qabtay ayaa maanta booliisku ay su’aallo ku weydiinayaan saldhigyo kala duwan, iyadoo howlgalka qabqabashada uu qeyb ka yahay dadaal ballaaran oo looga hortagayo dhaqdhaqaaqyada argagixisada.

Madaxa booliiska ee magaalada Nairobi Benson Kibue ayaa sheegay in maxkamad la soo taagi doono kuwa la qabtay iyagoo aan heysan wax aqoonsi ah.

Benson ayaa intaas raaciyay in argagixisada badanaa ay ku dhuuntaan xaafadda Islii taaso uu sheegay in ay tahay sababta ay u bartilmaameedsanayaan.

Saraakiisha booliska Kenya ayaa goor sii horeysay sheegay in qaar kamid ah kooxihii weeraray bishii September suuqa ganacsiga ee Westgate ay deganaayeen Islii.

Bar-kulan