Booliska Kenya oo dilay labo nin oo looga shakiyay argagaxisannimo

0
844

KenyanSoldiersInEastleighBooliska Kenya ayaa aroortii hore ee saaka gudaha magaalada Nairobi toogasho ku dilay labo qof oo looga shakiyay argagaxisannimo.

Toogashada ayaa ka dhacday xaafadda Soomaalidu degto ee Eastleigh, waddada 12-aad ee agagaarka xaruntii hore KBC Garage.

Boolisku waxa ay sheegeen in ragga la toogtay ay ku hubeysnaayeen bam gacmeed, rasaas iyo baastoolad.

Benson Kibue, oo ah madaxa booliska magaalada Nairobi, ayaa sheegay in ragga la toogtay ee laga shakiyay la rumaysan yahay in ay yihiin kuwii ka dambeeyay bam gacmeed ay dad ku dhinteen oo lagu weeraray xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Kamukunji, Yuusuf Xasan, December-tii la soo dhaafay.

Bar-kulan