Booliska waddooyinka Somaliland oo helay gaadiidka gurmadka

0
950

BooliskaSomalilandWasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland ayaa gaadiidka gurmadka ee ay isticmaalaan ciidamada ilaalada waddooyinka waxa ay ku wareejisay taliska ciidamada booliska ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay in toddobo gaari, oo nooca ciidamada ilaalada nabad gelyada waddooyinku ay isticmaalaan ay ku wareejiyeen taliska ciidamada booliska ee maamulka Somaliland.

Waxa uu sheegay in gawaaridan ay ciidamadu u fududayn doonaan howlaha nabad gelyada waddooyinka.

Taliyaha ciidamada Booliiska Somaliland, Gen. Cabdullaahi Fadal Iimaan, oo la wareegay gawaarida ayaa sheegay in gaadiidkan uu wax badan ka tari doono howlaha ay qabtaan booliiska, gaar ahaan ciidamada ilaalada nabad gelyada waddooyinka ee maamulka Somaliland.

Waxa uu xusay taliyuhu in ciidamada booliiska iyo kuwa nabad gelyada waddooyinka ay si feejigan u qaban doonaan howlaha loo igmaday, isla markaana il gaara lagu hayn doono gawaarida isticmaalo waddooyinka, isaga oo sheegay in ay bateen shilalka ka dhaca waddooyinka.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa soo badanayay shilalka gaadiidka ee ka dhaca waddooyinka isku xira Hargaysa, Berbera iyo Gebiley, kuwaas oo shilalkii ugu dambeeyay ay ku dhinteen ugu yaraan 10 ruux.

Bar-kulan