Dhegeyso Wareysi mas’uuliinta Puntland
Wararka naga soo gaaraya Tuulada Sunijiif oo Garowe 60-km u jirta ayaa ku waramaya inay go’day buundada la yiraahdo Midigar oo ku taalada duleedka Koonfureed ee Tuuladaasi,ka dib markii ay oogada iyo hoosta ay ka mareen biyo faro badan.
Meesha ay ka go’day laamiga waxaa hada ku sugan wasiirka arrimaha gudaha dowlada Puntland Gen.Cabdilaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) iyo Duqa caasumadda Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor,xili ay waraysi siinayeen Radio Garowe ayay sheegen wadadu inay go’day isla markasna aan dhinacna aan loo dhaafi karin.
Duqa Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor ayaa sheegay xaladu inay tahay mid cakiran isla markasna wadada go’day ay saamayn ku yeelatay gurmadkii loogu jiray dadka ku tabaalaysan dhulka ay duufaantu ku dhufatay ee xeebaha ah,wuxuna sidoo kale sheegay Cabdicasiis wadada go’day inay sidoo kale sidaan oo kale noqotay mudo laga jooga 20-sano.
Gaadiid-layda ayuu duqa ugu baaqay inay dib isaga laabtaan magalada Garowe kuwo ka yimina dhanka Bosaaso ay dib ugu noqdaan degmada Dongorayo inta wadada laga hagaajinayo.
Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha Col.Ilkajiir ayaa sheegay gurmadka inta badan inuu gaaray meel u dhow halka ay duufantu ku dhufutay,balse wadada go’day ayuu sheegay hagaajinteeda inay qaadan karto maalmo tiro badan.
Dadka muslimiinta ah ee usoo gurmaday deegaanadu ay dhibaatadu ka taagan tahay ayuu wasiirka arrimaha gudaha uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay gurmadka uga qayb galleen,wuxuna sheegay arrintaan oo kale inay muhiim tahay in la iskugu gurmado.
Puntland Post