War goordhow naga soo gaaray magaalada B/weyne ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in Kolonyo katirsan Ciidamada AMISOM & kuwa DFS, ay ka amba baxeen magaalada, waxaana la sheegay ineey ku wajahanyihiin Deegaanada ay Al-shabaab kaga suganyihiin Gobolka Hiiraaan.
Goob joogayaal ku sugan magaalada, ayaa Midnimo.com u xaqiijiyay in Ciidamada magaalada ka baxay ay ahaayeen Ciidamo aad u xoogan, kuna qalabaysan Taangiyada Dagaalka iyo Gawaarida Gaashaaman, waxaana la sheegay ineey ku wajahanyihiin Deegaanada ay shabaab kaga suganyihiin Gobolka..
Ciidamada saakay ka dhaqaaqay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaan wali laga warqabin halka ay rasmi ahaan ugu wajahanyihiin.
Arintaaan ayaa imaneysa, kadib markii ay shabaab weeraro iyo Qaraxyo ay ku dhinteen dad farabadan oo shacab ah iyo Ciidamo ka geysteen magaalada B/weyne, waxaana dhawaan maamulka Gobolka Hiiraan ay wacad ku mareen ineey Al-shabaab ka cirib tiri doonaan Gobolka Hiiraan.
Midnimo