Casho sharaf maamulka Gobolka Banaadir u sameeyay wafuudii gobolada Jubbooyinka

0
901

Kadib markii magaalada Muqdisho caasimadda umadda Soomaaliyeed ay marti gelisay shirka dib u heshiisiinta gobolada Jubbooyinka, ayaa waxaa furitaanka shirkaas oo duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir kalimad uu ka jeediyay ku balan qaaday in maamulka Gobolka Banaadir uu casuumi doono dhamaan ergada gobolada Jubbooyinka iyo hogaamiyahooda mudane Axmed Madoobe.

Waxaana ka soo qeybgalay xubno katirsan labada gole siyaasiin, qeybaha bulshada, ururada bulshada rayidka, fanaaniinta kooxda hobolada Waabari.

Casho sharaftaan oo xalay ka dhacday hotelka City Palaca ee degmada CabduCasiis magaalada Muqdisho ayaa waxa ka soo qeyb galay inkabadan 400. oo ah ergada gobolada Jubbooyinka oo uu wehliyay Axmed Maxamed Islaan Axamed Madoobe ayaa cashada kadib uga mahadceliyay maamulka Gobolka Baanadir casho sharaftan.

Duqa Muqdisho mudane Maxamuud axmed nuur tarsan oo furay casho sharaftan ayaa ku soo dhaweeyay dhamaan ergada magaalada caasimadda Muqdisho isagoona sheegay in Muqdisho ay tahay caasimaddi iyo qalbigii umada Soomaaliyeed, islamarkana ay lab furan ku soo dhaweynayaan dhaaman umada Soomalaiyeed.

Mudane Tarsan ayaa intaas raaciyay in loo baahan yahay in shirka gobolada Jubooyinka ee Muqdisho ka socda ay ka soo baxaan miro wanaagsan oo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ku wada farxaan, isagoona carabka ku adkeeyay in dadka reer Muqdisho ay u diyaargaroobeen soo dhaweynta
mushatamacaasi.

Nabadoon Axmed Diiriye Cali, oo isna dhankiisa ka hadlay madasha ayaa sheegay iney dadka Soomaaliyeed ee Mqudisho dagan aysan u kala harin soo dhaweynta wafuudda, isalmarkana ay ku faraxsan yihiin in umadda Soomaaliyeed ay ku heshiin karaan caasimadooda, iyagoona aadin dalal kale.

Iimaam Maxamed Yuusuf ayaa dhankiisa isaguna u duceeyay shirka ka socda Muqdisho, isagoona ka rajeeyay horumar iyo war farxad leh.

Ugu dambeyn waxaa soo xiray xafladda waziirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Mudane C/kariim Xuseen Guuleed asaga oo uga mahad celiyay Maamulka Gobolka Banaadir marti qaadka casha sharfata ah ee ay usameeyeen udayaasha Jubbooyinka.

 

WafdigaJubaland20131105_8 WafdigaJubaland20131105_7 WafdigaJubaland20131105_6 WafdigaJubaland20131105_5 WafdigaJubaland20131105_4 WafdigaJubaland20131105_3 WafdigaJubaland20131105_2 WafdigaJubaland20131105_1