Ciidamada AMISOM iyo ciidamada dowladda oo fariisimo ka sameystay wadada isku xirta B/weyn iyo B/Burte

0
906

Amison20130729_1Ciidamada AMISOM ee ka socda Jabuuti iyo ciidamada dowladda ayaa bilaabay dhaq dhaqaaqyo milateri oo ku wajahan deegaanada Gobolka Hiiraan ee Al-Shabaab ku sugan yihiin.

Dhaq dhaqaaqyo ciidamada ay sameeyene oo ay ku gaareen duleedyada magaalada ayay ugu suura gashay in tuulooyin ku dhow dhow magaalada Beledweyn ay kula wareegeen.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegaya in qorshahooda yahay sidii Al-Shabaab ay uga saari lahaayeen deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka oo dhan.

Howl galkan wada jirka ah ayaa ka dambeeyay markii Al-Shabaab weeraro is xiga ay ku qaadeen bishan iyo bishii hore kaasoo ay ku dhinteen in ka badan sodon ruux.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ay fariisimo ka sameysteen wadada isku xirta Beledweyn iyo Buulo Burte, waxaana tallaabadan ay horu dhac u tahay qorshe lagu duulayo degmada Buulo Burte oo ah saldhiga ugu weyn ee Al-Shabaab.

Taliyaha ugu sareeya Ciidamada AMISOM ee ka socda Jabuuti Col. Cusmaan Dhubad ayaa sheegay in qorshahan bilow u yahay sidii Al-Shabaab uga xoreyn lahaayeen deegaanada Gobolka Hiiraan kaga sugan yihiin.

Waa markii u horeysay ee Ciidamada Jabuuti ay sameeyaan dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo howl galo ka dhan ah Al-Shabaab oo ku wajahan deegaanada Gobolka Hiiraan kaga sugan yihiin.

Jowhar