Ciidamada Qalabka sida oo howlgal dad lagu soo qab qabtay ka sameeyay Beledwen

0
916

Beledweyne20131119Ciidamada qalabka sida ee ku sugan magaalada Beledweyn ayaa howlgallo ay sameeyeen ku soo qab qabtay dhalinyaro looga shakiyay iney ku lug leeyihiin falalka amnidaro ah oo mararka qaar ka dhaca qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Taliyaha nabadsugida gobolka Hiiraan Xuseen Cali Xumar ayaa Radio Muqdisho u sheegay in howlgalkan oo maalmihii ugu dambeeyay ay ciidamada qalabka sida ka wadeen xaafadaha kala duwan ee magaalada Beledweyn ay ku soo qabteen xeyn dhaliyaro ah oo looga shakiyay in ay ka mid yihiin Shabaab.

Sidoo kale Taliyaha ayaa xusay in qaar ka mid ah dhalinyaradaasi ay qirteen iney ka tirsanaayeen kooxda loo yaqaano Takfiirka inkastoo sida uu sheegay wali ay socdaan baaritaanadu.

Wixii ka dambeeyay qaraxii ismiidaaminta ahaa ka dhacay Beledweyn ayaa ciidamada qalanka sida waxa ay bilaabeen howlgallo ay ku xaqiijinayaan amaanka Beledweyn, iyagoo dhinaca kalena howlgallo ay ka smaeeyeen deegaanno ka baxsan Beledweyn kula wareegay Tuulooyin dhowr ah oo ay ka xoreeyeen maleeshiyaadka Alshabaab.

Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa AMISOM ayaa qorsheynaya sidi ay Alshabaab uga xoreyn lahaayeen Sadex degmo oo ka tirsan gobolka Hiiraan kuwaas oo kala ah Buulo Barde, Jalalaqsi iyo Maxaas.

Radio Muqdisho