Saraakiisha amniga ee dowladda Soomaaliya ee gobolka Hiiran ayaa sheegay in ay howlagallo kor loogu qaadayo sugidda amaanka gobolka ay ka billaabi doonaan gobolkaasi.
Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay magaalada Beledweyn ay ciidamada qalabka sida ka wadeen howlgallo lagu xaqiijinayo amniga islamarkaana lagu baadi goobayo dadka nabad diidka ah ee la shaqeeya kooxda Alshabaab ayaa saraakiisha ciidamadu wax ay sheegeen iney sii wadi doonaan howlgaladaasi.
Col. Maxamed Amiin Aadan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada qalabka sida ee ku sugan Hiiraan ayaa Radio Muqdisho u sheegay in howlgalkani uu noqon doono mid joogta ah, isagoo intaa raaciyay iney weeraro ku qaadi doonaan fariisimaha maleeshiyaadka Alshabaab.
Howlgalada ciidamada qalabka sida oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ay ka wadaan gobolada dalka ayaa wiiqay awoodii maleeshiyaaadka Shabaab taasi oo keentay iney ku dhuumaaleystaan deegaanno fog fog oo miyi ah.
Radio Muqdisho