Ciyaar Xiiso Badan Oo Galabta Dhexmartay Somalia VS Burundi

0
1186

Waxaa maalinimadii shalayto ka bilawday dalka Kenya Ciyaaraha koobka CECAFA oo ah koob ciyaareed ay isuugu yimaadaan wadamada bariga iyo badhtamaha qaarada Africa,waxaana maanta waxaa ciyaar xaasaasi ku yeeshay garoonka Kenyatta Stadium ee magaalada Majekos Xulalka Somaliya iyo Burund .

Ciyaarta oo ahayd ciyaar xaasaasi ah koox walbana ay isu dayaysay sidii ay banooniga ugaadhsiinlahayd shaqbaqa kooxda kale ayaa waxay haafkii hore kusoo dhamaatay 1-0 goolkaasi oo ay dhaliyeen xulka qaranka Burundi .

Haafkii danbe ee ciyaarta ayaa xulka qaranka somaliyeed waxay soo bandhigeen ciyaar aad uqurx badan inkasta oo aanay usuurta galin inay goolal dhaliyaan.

Waxaana haafkii danbe ee ciyaarta fursad u helay inay dhaliyaa goolkoodii 2aad xulka qaranka Burundi iyadoo ciyaartaasi galabta ay kusoo dhamaatay 2-0 waxaana halkaasi ay guushu ku raacday xulka qaranka Burundi.

Tabaraha xulka qaranka somaliyeed Maxamed Fara-yare ayaa mar wax laga waydiiyey natiijada ciyaarta galabta waxa uu sheegay in ay sabab u tahay in laga badiyo xulka qaranka somaliyeed cimilada deegaanka iyadoo uu da ayay roob laxaadleh mudadii ay ciyaartu socotay waxana hadaladiisii kamid ahaa “ Ciyaartoyda somaliyeed Waxay la qabsadeen Cimilo Kulayl ah waxaana saad arkayseen da,ayay roob iyadoo garoonka lagu ciyaarayaana uu ahaa mid jilicsanna “

Danjiraha Somalia ufadhiya dalkani Kenya Mudane maxamed cali nuur americo oo kamid ahaa masuuliyiintii galabta joogay garoonka ayaa sheegay in ciyaar wanaag ay soo bandhigeen xulka qaranka somaliyeed uuna rajaynayo inay guulo soo hooyaan ciyaaraha danbe ee u hadhay inta lagu gudo jiro koobka CECAFA ee Bariga Africa.

Radio Muqdisho

CiyaartoydaQaranka20131128_5 CiyaartoydaQaranka20131128_4 CiyaartoydaQaranka20131128_3 CiyaartoydaQaranka20131128_2 CiyaartoydaQaranka20131128_1 CiyaartoydaQaranka20131128_6