Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Xaaji Maxamuud Faroole ayaa kulan la yeeshay hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo kuwa u dooda xuquuqda haweenka, waxaana kulankaasi oo ka dhacay magaalada Garowe looga hadlay arrimaha kufsiga haweenka Puntland.
Wufuuda ka socotay hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in degaanada Puntland ay ku soo bateen kufsiga loo geysto haweenka, iyagoona Madaxweyne C/raxmaan Faroole hor dhigay kiisas dhowr ah oo ka dhacay degaanada maamulkiisu ka arrimiyo.
Madaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa sheegay dhinaciisa in maamulkiisu kordhinayo howlgalada lagula dagaalamayo kufsiga loo geysto haweenka Puntland, hase yeeshee waxa uu hoosta ka xariiqay in kufsiga Haweenka uu kordhay tan iyo markii Puntland ay gashay doorashooyinka Madaxtinimada maamul goboleedka Puntland.
Dhinaca kale waxa uu sheegay Madaxweyne Faroole in tan iyo inta uu xilka hayo uu ka hortegayo in degaanada Puntland ay ka dhacaan kufsiga loo geysto haweenka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in sharci adag laga soo saarayo kiisaska la xariira kufsiga.
Somaliweyn