Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo horay u soo noqday Wasiirka Dastuurka ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon inuu is casilo.
Wareysi uu Xildhibaanka siiyay Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu si cad u sheegay in khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uusan dastuuri aheyn, balse uu yahay mid siyaasadeed.
“Ra’iisul Wasaaraha ha is casilo, arrinta la isku haayo ma ahan mid dastuuri ah ee waa siyaasad, muddo ayayna soo socotay, Madaxweynuhu wuxuu ku yiri Saacid Kalsooni kuuma haayo”ayuu yiri C/raxmaan Xoosh Jibriil.
“Madaxweynaha ma dhihin xilka ka qaaday wuxuu ku yiri kalsoonidii waa lumisay istiqaala keen, madaxweynaha awal keenay baarlamaanka horkeenay, waxaa u haboon waxa waaye inuu istiqaalada iska geeyo”ayuu yiri Xildhibaan Xoosh.
Xildhibaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in tan iyo lixdankii ay caado soo jireen aheyd marka ay is qabtaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inuu Ra’iisul Wasaare bixi jiray, isagoo tilmaamay in Ra’iisul Wasaaruhu aanu wax kalsooni ka heysan Wasiiradiisa, isla markaana uu iska fududeeyo is casilaada.
Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa maalmo ka hor sheegay in khilaafka isaga iyo Madaxweynaha uusan aheyn mid siyaasadeed, balse uu yahay dastuuri, isagoo cadeeyay in xalka uu u yaalo Baarlamaanka Soomaaliya.
Jowhar