Dad laga wacyigeliyay halista AIDS-ka

0
1134

AidsGuddoomiyaha Guddiga ka hor tagga cudurka HIV/AIDS ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, Axmed Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in tababar ku saabsan ka hor tagga cudurka ay shalay u qabteen culimaa’uddiin, qaar ka tirsan dadka soo barakacay ee ku nool Muqdisho iyo dad qaba cudurka.

Axmed Maxamed Jimcaale, oo la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay in ujeeddada tababarku ay ahayd in sare loo qaado fahamka shacabka ee halista cudurka AIDS-ka.

Wuxuu xusay in culimaa’uddiinkii ay tababarka siinayeen ay u soo jeediyeen in bulshada ay ku wacyigeliyaan in aan la takoorin dadka la nool xanuunka.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay inay muhiim tahay bulshada inay ka feejignaato HIV/AIDS.

Berri oo Axad ah oo ay koow tahay bisha December waxay ku beegan tahay maalinta cudurka Aids-ka.

Bar-kulan