Dalxiisihii ugu horreeyay oo 22 sano kaddib Muqdisho tagay

0
867

MuqdishoAirport20130611Mike Spencer Bown oo u dhashay dalka Canada ayaa noqday dalxiisihii ugu horreeyay ee magaalada Muqdisho taga tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee dalka sanadkii 1991-kii.

Ninkan oo 41-jir ah ayaa la sheegay inuu horey u dalxiis tagay 150 dal oo kale, laakiin markii uu ka soo tagay garoonka Muqdisho maalmo ka hor waxaa adkaatay inay waaxda socdaalka Soomaaliya rumaysato inuu dalxiise yahay.

Cumar Maxamed oo ka tirsan saraakiisha socdaalka Soomaaliya ayaa usheegay wakaaladda wararka ee AFP inuusan ninkan oo kale arkin, isla markaana uu rumeysan waayay markii uu Mike Spencer sheegay in ujeeddada uu u tagay Muqdisho ay tahay dalxiis oo kaliya.

Mike ayaa sheegay in laamaha socdaalka ay isku dayeen inay dib ugu celiyaan diyaaradda, taasoo uu ka madax adeegay.

Arrinta ayaa imaaneysa xilli laamaha dalxiiska ee dalal badan oo ay kamid yihiin Mareykanka iyo Canada ay ku dhiirragalinayaan muwaadiniintooda inaysan u dalxiis tagin Soomaaliya.

Bar-kulan