War ay soo saartay wasaaradda gaashaandhiga wadanka Sierra Leone ayaa waxaaay ku sheegtay in muddo bilo ah aysan ciidamadooda Soomaaliya jooga helin wax mushaar ah isla markaana ay u baahan yihiin dhaqaalo ay ku wadaan howlgalka AMISOM.
War saxaafadeedkaan oo lagu qoray warbaahinta dawlada Sierra Leone ayaa waxaa lagu sheegay in dawlada ay muddo bilo ah jeebkeeda ka bixinaysay dhaqaalaha ay mushaar ahaanta u qaataan ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.
Dhawr qodob oo warkaan lagu soo qaaday ayaa waxaa lagu sheegay in in tan iyo markii ay dawlada Sierra Leone dhamaystirtay ciidamada ay Soomaaliya ugu talo gashay 7 bilood ka hor ay ciidamadooda heleen mushaaraka 5 bilood oo kaliya inta kalkena ay dawladoodu bixinaysay dhaqaalaha ku baxaya.
“Midawga Africa 5 bilood oo kaliyay ayay ciidamadeenu lacag ka heleen inta kale dawlada ayaa bixinaysay oo askarigiiba waxaa la siinayay $100 bishiiba” ayaa lagu yiri war saxaafadeedkaan kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga dalka Sierra Leone.
Dawladaha ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya qaarkood dhawr jeer ayaa cabasho ka muujiyeen in ciidamadooda Soomaaliya ka jooga ay mushaar la’aani hayso.
Ciidamada AMISOM oo dawlada Soomaaliya ku gacan siiya dagaalka Al-Shabab waxaa dhaqaalahooda bixiya beesha caalamka oo siyaasad ahaan la dhacsan dawlada Soomaaliya iyo hawsha midawga Africa uu Soomaaliya ka wado.
Somaliweyn