Masharuuca nalalka ku shaqeeya ileyska cadceedda aya laga bilaabay degmada Balcad.
Markii ugu horreysay ayaa degmada Balcad ee G/Sh/Dhexe waxaa laga hirgelinayaa nalalka ku shaqeeya ileyska cadceedda
Waxaana arrintasi si isku mid ah usoo dhaweeyay bulshada ku nool degmadaasi, iyagoo ku tilmaamay tallaabo loo qaaday dhanka horumarka, waxeyna hoosta ka xariiqeen in tani ay gacan ka geysan doonto bilicda magaalada iyo isu socodka xaafadaha degmadaasi xilliga habeenkii ah.
Degmada Balcad ayaa noqoneysa degmadii ugu horeysay ee laga horgeliyo mashruuca nalalka Solarka marka laga reebo degmooyinka G/Banaadir.
Radio Muqdisho