Wararka naga soo gaaraya xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in bisha January ee sanadka 2014 la furayo xafiiska diiwaan-gelinta dadka qaxootiga ah ee doonaya in dib loogu celiyo dalka Soomaaliya.
Xuseen Yuusuf Faarax oo ka mid ah hor-joogeyaasha dadka ku jira xeryaha Dhadhaab oo la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay in dadka doonaya in dib loogu celiyo Soomaaliya ay iska diiwaan-gelin doonaan xafiiska la furi doona horraanta sanadka soo socda.
Qaar ka mid ah dadka ku jira xeryaha qaxootiga Dhadhaab ayaa Bar-kulan u sheegay in ay adag tahay in ay ku laabtaan Soomaaliya, iyaga oo ku doodaya in xeryaha qaxootiyada ay ku haystaan waxbarashada carruurtooda iyo nolol dhaanta middii ay horey uga soo tageen dalkooda.
Balse waxay sheegeen in ay ku laaban doonaan waddanka haddii ay helaan nabad iyo xasillooni.
Qaramada Midoobay iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in dadka doonaya in ay dalka dib ugu laabtaan laga caawin doono guuritaankooda.
Bar-kulan