Dowladda dalka Jabuuti oo maxkamad soo saareysa ganacsade Somali ah

0
872

DjiboutiDowladda dalka Jabuuti ayaa la sheegay in 24-ka Bishan November ay maxkamad soo taagaysa Ganacsade Jaamac Oomaar Seed oo ah mulkiillaha shirkadda Oomaar Trading Company oo ka tirsan shirkaddaha ugu waaweyn dhinaca ganacsiga dhulka Soomaalidu degto gaar ahaan Somaliland iyo Jabuuti.

Ma jiro war rasmiya oo xukuumadda jabuuti ay ka soo saartay xarigga ganacsade Jaamac iyo eedda loo haysto toona, balse waxaa la xaqiijiyey in ciidammada dalka jabuuti ay xabsiga dhigeen horaantii bishan November, islamarkaana la sheegay in albaabada loo laabay Xaruntii Ganacsiga Oomaar ee caasimadda dalka jabuuti.

Waxaa jira warar aan si rasmi ah loo xaqiijin oo sheegaya inuu Ganacsade Oomaar looga shakiyay inuu xiriir ka dhexeeyo isaga iyo Ganacsade C/raxmaan Boorre oo dalka jabuuti laga mamnuucay ganacsigiisa,islamarkaasna ka mid ah mucaaradka dalka jabuuti ee sida weyn uga soo horjeeda madaxweynaha dalka jabuuti ismaaciil Cumar geelle.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in ay magaaladaasi ka ambabayaan odayaal dhaqameed ka kala socda beelaha dega maamulka Somaliland kuwaas oo ku siijeeda magaalada jabuuti, si ay arrinta ganacsadahaasi ugala hadlaaan madaxda dalka jabuuti ,gaar ahaan madaxweynaha dalkaasi.

Sallaadiinta doonaya doonaya inay arrinta ganacsadahaasi kala hadlaan madaxda dalka jabuuti ayaa la sheegay inay ka mid yihiin Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, Suldaan Maxamed Maxamuud Xandule (Indhacase), Suldaan Axmed Nuur Cabdilaahi Sammaale, Suldaan Barre Sheekh Aadan, Suldaan Maxamuud Axmed-sheekh, Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, iyo sallaadiin kale,lamana oga waxa uu maamulka jabuuti uu arrintaasi ka dhihi doona odayaashaasi doonaya inay kala kulmaan xarigga iyo maxkamadeynta ganacsadahaasi.

Warkii.com