Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya oo gaaray Baydhabo

0
857

AmisomSalahAnnadifWafdi uu hoggaaminayo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mahamatt Saleh Annadif ayaa maanta oo Isniin ah gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Annadif oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Baydhabo ayaa safarkiisa ku tilmaamay mid la xiriira u kuur-gelidda xaaladda gobolka iyo qaabka ay u howlgalaan ciidanka Midowga Afrika.

Danjiraha ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah odayaasha magaalada Baydhabo, iyagoo kulankooda uga wada hadlay xaaladda ammaanka ee magaalada iyo howlaha ciidanka AMISOM ee halkaas ku sugan.

Wuxuu booqday xarunta uu ka socdo shirka maamul u sameynta gobollada koonfur galbeed Soomaaliya, halkaas oo uu kula kulmay qaar ka tirsan xubnaha ka qeyb-qalaya shirka.

Bar-kulan