Faah faahin ka soo baxaya qaraxa caawa ka dhacay agagaarka Hotelka Maka Al-Mukarama ee Muqdisho

0
1107

Ilaa afar ruux ayaa ku dhintay qarax gaari walxaha qarxa ka buuxeen oo caawa ku qarxay banaanka hore ee Hotelka Maka Al-Mukarama, wax yar kadib markii ruux doonayay inuu isku qarxiyo gudaha Hotelka ay wax ka qaldameen.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa 15-ruux oo uu ku jiro Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo magacaabo Xildhibaan Sooyaan.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira Diblomaasi lagu magacaabo Dhuub oo horay Safiir ay ugu magacawday dowladii KMG aheyd dalka Ingiriiska, isagoo ahaa muwaadin British ah, waxaana uu la dhashay Wasiiradii hore ee Caafimaadka Xildhibaanad Qamar Aadan Cali oo ku geeriyooday qaraxii Hotel Shaamow sanadkii 2009-kii.

Wararka ayaa sheegaya in qasaaraha intaa ka badan karo, maadaama ay habeen aheyd, iyadoo gaadiidka gurmadka deg dega ay qaadeen dhaawacyo la geeyay goobaha caafimaadka.

Xilliga qaraxan weyn uu ka dhacayay wadada ayaa la sheegay in gudaha Hotelka ay baaritaano ka wadeen Ciidamada Nabadsugida, kadib markii la qabtay nin doonayay inuu Hotelka isku qarxiyo.

Mid ka mid ah dadka mehradaha ganacsi ku leh wadada Maka Al-Mukarama ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa baabuur wadada dhinaceeda yaalay agagaarka Hotelka Maka Al-Mukarama.

Goobaha ganacsiga ee ku yaala wadada ayaa xilliyada habeenkii aad u camiran, waxaana aad looga dukaameystaa carwooyinka wadadaas laga furay.

Saraakiisha Hey’adaha ammaanka ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay ruux doonayay in gudaha Hotelka isku qarxiyo, kadib markii Laptop uu watay ay wax ka qarxeen, isla markaana inta uusan qaraxa fulin ay fayuusyo ka qarxeen.

Wadada Maka Al-Mukarama ayaa ah wado aad ammaankeeda loo ilaaliyo, waxaana ku yaalao hotelo fara badan oo ay degan yihiin dad ka yimid qurbaha, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Jowhar

QaraxHotelMakkah