Faroole oo sagootiyay baarlamaankii Puntland

0
961

Faroole20130616_1Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa xalay xaflad sagootin ah u sameeyay mudanayaashii baarlamaanka maamulka Puntland ee dhowaan la kala diray kaddib markii uu waqtigoodu dhammaaday.

Xafladda waxaa ka soo qeyb galay golayaasha maamulka, isimada, culimaa’uddiin, safaaradda Ethiopia ee Puntland iyo dad kale.

Guddoomiyihii baarlamaanka uu waqtigiisu dhammaaday ee maamulka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xersi, oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in intii uu dhisnaa baarlamaanka uu wax badan qabtay.

Wuxuu sheegay in xilligan aan loo baahnayn in khilaaf iyo is qabqabsi uu yimaado, isagoo ku taliyay in loo istaago sidii ay deegaannada maamulka Puntland ku gaari lahaayeen horumar muuqda.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa shalay kala diray xildhibaannadii baarlamaanka ee maamulkiisa.

Bar-kulan