Maamulka Galmudug ayaa markii ugu horreyay waxaa uu ka hirgaliyay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, garoon diyaaradeed oo ka madax banaan maamulka Puntland.
Garoonkan oo loogu magac daray AUN Marxuum Cusmaan Caato, ayaa la sheegay in uu noqon doono mid ay is-ticmaalaan Maamulka iyo shacabka reer Puntland sida uu sheegay Madaxweyne Cabdiqaybdiid.
Garoonkan ayaa dhismihiisa uu socday in muddo ah, balse shaley ayaa diyaaradii ugu horreysay ay soo caga dhigatay, waxaana la sheegay in uu wax badan ka badeli doono dhibaatooyin in badan dhex mari jiray Puntland iyo Galmudug taasoo ah in maleeshiyaad kala taageersan ay weerarri jireen garoonka AUN C/llaha Yuusuf oo ku yaalla isna Magaalada Gaalkacyo.
Garoonka hadda waxaa la sheegay in ay u dhimman yihiin wax yaabo badan, waxaana maamulka Galmudug ay ka codsadeen jaaliyaddaha ku nool dibedda in ay ka qayb qaataan dhammeestirka garoonkan.
Galmudug ayaa horrey u isticmaali jirtay garoonka diyaaradaha Marxuum Cabdulaahi Yuusuf oo uu maamulo Maamulka Puntland.
Warkii