Gar Waa Loo Wada Islaam: Faarax waa Falxad waana Faxal!

0
1233

FaaraxCabdulqadir1WQ A. Birmad

Waxaa baryahan danbe golayaasha fadhi ku dirirka iyo golayaasha qaar lagu soo qoraa arin jaa’ifo iyio aflagaaddo ah oo leh ujeeddooyin badan balse lagu bartilmaameedsanayo Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Mudane Faarax Cabdiqaadir. Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in dadka Soomaaliyeed kuwooda wanaagga iyo samaha usaaxiibka ahi ay isxilqaamaan oo ay ka hortagaan dacaayadaha raqiiska ah ee aan sal iyo raadna lahayn ee lala beegsado shakhsiyaad sharaf iyo karaamo ku leh qaranka Soomaaliyeed oo aan marna xumaan ehelna u ahayn laguna arag. Inkastoo ay dadka Soomaaliyeed ee waxgaradka ahi ay xog ogaal yihiin ayna kala yaqaanaan samawade iyo xumaan dhiiqe haddana waxaa baryahan danbe nasiib darro qaylo dheeraaday inta xun oo aan iyagu xishoonin kuwaasoo aan illaahayna ka cabsanin, aadamana karaameynin. Arintan ayaa waxay keentey in dad badan oo aan aqoon iyo xiiso badan u qabin siyaasadda Soomaaliyeed iney akhriyaan ama dhageystaan fidnoolayaasha oo been afuufaya ama jaaifeynaya shakhsiyaad wanaagsan. Haddaba su’aasha qofwalba isweydiin karo ayaa ah maxaa keeney in Faarax laga bartilmaameedsado rag iyo dumar badan oo Soomaaliyeed oo kamid ah madaxda iyo wasiirada dawladda. Maxaa isaga loogala dhexbaxay intaasoo masuul. Ma caqli iyo cilmi uu dheer yahaybaa lagu cayuumay mise cibaaro kale ayaa jirta.?

Jawaabta ay tahay umadda Soomaaliyeed iney ogaadaan waxaa weeye waxaa hubaal ah waxaa laga xunyahay in Faarax uu kamid yahay madaxda dalka maaddaama uusan ahayn amaba kasoo jeedin beelaha qaswadayaasha Soomaaliyeed oo iyagu isna siiya waxwalba haddana waxwalba burburiya. Marka ficilka oo dhami waxuu ka bilawday xaasidnimo iyo xiqdi asalkeedu yahay maxuu booskaas nin ree hebel ah u joogi waayay! Qaabka xun ee umadda Soomaaliyeed lagu duleystey ee 4.5 darteed ay kuwa xumaha jeceli waxey qayladoodu dabada ku haysaa sababtee Faarax oo kasoo jeeda beelaha yaryar uu u muteystey kursigaas iyo waliba sidee saaxiib dhaw ula yahay Madaxweynaha Soomaaliya. Balse waxaysan ogeyn kuwaasi xiriirka iyo aqoonta labada nin dhextaalla iney tahay mid ka durugsan kana fog miisaanka caqligooda yar! Ninkii Faarax yaqaana, bartay ama la shaqeeyey ayaa garankara waxaana tusaale kaaga filan inuu yahay saaxiib dhaw la yahay walaalo aysan beel iyo hayb isku raacin oo ay shaqo isbartay waana midda dad badani aad uga xumaadeen. Faarax mudadii burburka dalku ku jiray waxuu joogay Soomaaliya waxuuna ubadnaa Muqdisho, mana uusan lahayn maleeshiyaad illaaliya. Faarax waxqabadkii uu qabtey iyo shaqadii uu ka hayay Soomaaliya waa mid muuqata aadna looga yaqaano Xamar gaar ahaan dhanka Waxbarashada.Marka miyeysan ahayn masayr iyo xiqdi in laga xumaado in Faarax iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay yihiin saaxiibo jidna isla maray jiscinna wadaagay.

Dacaayadaha laga faafiyey Faarax oo beenta ah ayaa waxaa kamid ah in Faarax iyo Raisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ay isku dhaceen ayna tahay sababta Madaxweynaha iyo Raisul Wasaaruhu isku haystaan. Arinkaas waa been waxna kama jiro mana dhicin wax xumaan ah oo ka dhaxeysa Faarax iyo Saacid.

Balaayo afuufka jecel xumaantu waxey sidoo kale meel wayn uga dhacaan madaxweynaha Qaranka Xasan Sheekh Maxamuud iyagoo usawira inuu ku socdo kaliya maskaxda Faarax taasoo ah meel ka dhac. Xasan Sheekh Maxamuud waa muwaadhin aqoon iyo karti leh, waddankana ku hoggaamiya maskaxdiisa. Madaxweynaha isagaa iska leh go’aanka ah in Raisul Wasaaruhu ka dago xilka mana jiro qofkale oo ku qasbaya shalayna isagaa keeney Raisul Wasaaraha. Illaahay Amarkii oran maayaan Faarax isagaa keeney Saacid, balse waxey ku dagdagayaan iney dhahaan isagaa burinaya!

Sidoo kale waxaa lagu xantaa in dawladda ay u taliyaan rag yar oo ka tirsan Xarakada Dam-Jadiid. Umadda Soomaaliyeed ee Muqdisho joogta waxey ka dharagsan yihiin in Faarax iyo madaxweynuhuba aysan ahayn kana mid ahayn Xarakada Damjadiid. Marka saw islaanimadu ma ahan in qofka wanaaggiisa la sheego iyo waxii xumaan ah ee cad ama lagu arkay isagoo sameynaya. Bal u fiirso kuwa naarta afuufa, waxa ay sheegaan oo dhami waa sidaas, marna masheegi karaan meel iyo waqti xumaan lagu sheegey Ustaad Faarax. Waa mala awaal iyo been salka uun ku heysa maxuu isagoo aan ree hebel midkood ahayn uu saaxiib ula yahay Xasan?

Faarax waxuu kamid yahay waxna ka aasaasay xisbiga nabadda oo ay rag badan oo kale ka tirsan yihiin. Faarax waxuu shakhsi ka yahay rag badan oo ku guuleystey doorashadii lagu doortey Xasan. Marka saw qabyaalad iyo qurun kaliya ma ahan in hal nin toosh been ah lagu ifiyo oo ay waliba kuwa beenta faafinaya noqdaan kuwa sheeganaya magaca Afarta Qolo midkood.

Dawladda guud ahaan wanaag badan, hormar badan iyo caqabado badanba way mareysaa habeen iyo dharaarba waxaana hawshaasi ay dhextaalla masuuliyiinta uu ugu horeeyo madaxweynaha Qaranka Xasan Sheekh Maxamuud, Raisul Wasaaraha iyo golaha Wasiirada iyo golaha Shacabka Soomaaliyeed. Waxii wanaag ah iyo hormar ah waa guul usoo hoyatay shacabka sharafta badan ee Soomaaliyeed, waxii caqabad ahna waa mid u taalla qaranka Soomaaliyeed.

Waxaan qormadan kusoo afmeerayaa in garadardu tahay shay xun, qofka muslimka ahna sharaftiisa iyo cirdigiisu yahay mid aad dhawrsoon. Faarax Cabdiqaadir Waa Falxad waana Faxal iyo waliba saaxiib dhab ah oo Xasan Sheekh Maxamuud. Faarax iyo Xasanba iro ragga kale ee la saaxiibka ahi waxey haysteen shaqo wanaagsan oo daggan oo naftoodu nabad ku ahayd iyagoo Xamar joogey xiliyadii ay ugu xumeyd, balse waxay ka doorbideen iyagaa iyo saaxiibadoodba iney dalka iyo dadka wax u qabtaan ayna soo afjaraan xumaantiii dalka laasintay iyo dhibaatooyinkii ina halakeeyey. Inkastoo ay tahay siyaasad meesha ay wax ka dooneen oo aysan masaajid galin, haddana Saw Garta loo Wada Islaam ma ahan? Ugu yaraan ragga ama wada daaya, Amaana ama wada caaya!

Waxaa Qoray A . Birmad
Email: birmad2013@gmail.com