Guddiga culimada Puntland ee gurmadka iyo taakuleynta dadka uu saameeyay roobkii iyo duufaannadii dhowaan ka dhacay deegaanno hoos taga maamulka Puntlan ayaa maanta sheegay in aan wax badan laga qaban baahida dadka ay musiibadu haleeshay.
Sheekh Cabdiqani Qorane oo xubin ka ah guddiga ayaa u sheegay Bar-kulan in uu aad u yar yahay gargaarka marka loo eego tirada dadka dhibaataysan, baahida ay qabaan iyo baaxadda deegannada ay joogaan.
Sheekha ayaa tilmaamay in ay arrintu tahay mid culus oo u baahan gurmad caalami ah, si loo samatabixiyo dadka dhibaataysan.
Hooy, dawo, hu, cunto iyo daryeel kale ayuu sheegay in ay dadku u baahan yihiin.
Wuxuu u soo jeediyay bulshada caalamka, hay’adaha samafalka iyo dadka Soomaalida ah in ay degdeg u bixiyaan jawaab wax ka qaban karta khatarta ay ku sugun yihiin dadka ay musiibadu haleeshay.