Garowe:Roobab baraf wata oo ka da’ay deegaano ka tirsan Gobalka Nugaal

0
1036

Garowe20130619Puntland Post

Wararka naga soo gaaraya qaar ka mid ah tuulooyinka hoos taga Degmada Eyl ee Gobalka Nugaal ayaa sheegaya in ay ka da’een roobab baraf wata oo saamayn ku yeeshan dadka iyo duunyada.

Tuulada Kamaal oo qiyaas ahaan u jirta degmada Eyl 95-KM dadka ku nool waxay sheegeen inaysan mudo saddex bari ah aysan arag wax qorax ah isla markasna uu ku da’ayay roob xoogan oo wata Baraf,kaasoo saameyay qaar ka mid dad dadka tuuladaasi ku nool.

Cali Huruuse Xanaf oo ka mid ah dadka degan Tuuladaasi ayaa sheegay roobka barafta wata ee ka da’ay inuu saamayn caafimaad ku sheegay dadka tuulada,wuxuna sheegay inay hadda koomo ku jiraan dhowr qof guryo tuuladda ku yaalna ay bur bureen.

Saddex bari waxa uu sheegay guryaha dadka badankood inaysan kasoo bixin oo ay gaajo iyo rafaad ku haysato,wuxuna sheegay xalay iyo shalay inay ugu daran tahay oo ay dareemeen qabow faro badan,balse ilaa iyo hadda aan loosoo gurman.

Mamulka Gobalka iyo kan degmada Eyl ayuu ugu baaqay inay raashin iyo agab ay qabowga ka galan lasoo gaaran si looga gaashaanto qabowga iyo roobabka da’aya.

Docda kale Gudoomiye ku xigeenka Degmada Eyl Faysal Khaliif Wacays oo la hadlayay Radio Garowe ayaa sheegay xaalada Degmada Eyl inay tahay mid wanaagsan oo aan ka dhicin wax duufaano iyo roobab baraf wata,basle waxa uu ka dayriyay xaalada tuulooyin hoosta degmada oo qabow badan laga soo sheegayo.

Faysal waxa uu sheegay inay soo gaartay khabaarta Tuuladda Kamaal ayna ku rajo wayn yihiin sidii dadkaasi loogu gurman,wuxuna sheegay roobkaasi qabowga wata inuu laayay xoolo aan tiradooda la sheegi karin.

Wasaaradda arrimaha gudaha dowlada Puntland ayaa maalinkii shalay ka digtay roobab duufaano wato oo la sheegay inay kusoo wajahan yihiin Dhulka xeebaha leh iyo kuwo godan,taasoo keentay dadka xeebaha dagay inay dareen joogta ah ka qabaan xaaladu siday noqoto.