Golaha Midowga Imamyada North America ayaa lacag dhan $80 oo doolar ugu deeqay dadkii ay saameeysay Duufaantii ku Dhufatay Puntland

0
967

Golaha Midowga Imamyada North America ayaa lacag dhan $80 kun ku wareejiyay labo hay’adood oo Soomaaliyeed oo hawlo samafal ah ku gargaara dadka ay dhibaatada kasoo gaartay duufaantii ka dhacay Puntland.

Hay’adda HARO waxaa lagu wareejiyay lacag gaareysa $60 kun halka hay’adda READ Horn of Africa-na lagu wareejiyay $20 kun.
Lacagta inteeda badan waxaa laga soo aruuriyay masaajidka weyn ee Abubakar oo ku yaala magaalada Minneapolis,masaajido kale oo hoos yimaada masaajidka Abubakar ayaa iyagana qeyb ka ahaa lacagta la bixiyay.

Sheekh Cabdiraxman Sheekh Cumar oo ah guddoomiyaha golaha shuurada ee Midowga Imamyada North America ayaa sheegay in lacagtan ay tahay qeybtii ugu horeysay ee la aruuriyay,waxaa kaloo sheekha tilmaamay in ay sii wadayaan masaajidada dadaalka ay wadaan oo lagu gargaarayo dadka dhibaateysan.

Dad gaaraya 300 ayaa ku dhintay duufaanta tiro intaa ka badana waa ku dhaawacmeen,waxaa kale oo ku dhintay 100 kun oo neef oo xoolo ah,daadadkii ay keeneen duufaamaha waxay kala xireen deegaamo badan.

Hay’adaha lacagta lagu wareejiyay waxay balan qaadeen in ay lacagtaay sideeda ugu ku wareejin donaan dadka dhibaateeysan.

Xaflada lacag wareejinta waxay ka dhacday masaajidka Abubakar,waxaa sidoo kale jira masaajido kale oo lacag aruuriyay oo ku wareejiyay hay’ado kale sida Camuud.

Radio Muqdisho

ImamyadaMidowgaNorthAmerica2 ImamyadaMidowgaNorthAmerica1 ImamyadaMidowgaNorthAmerica3