Guddiga maareynta masiibooyinka G/Sh/Dhexe oo dalbaday in gurmad lala soo gaaro dadka ku barakacay fatahaadda

0
949

FatahaadJohar20131116_1Gudiga Maareynta Masiibooyinka maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in weli shacabka gobolkaasi ay dhibaatooyin ku qabaan saameynta fatahaaddii webiga shbeele ayagoo codsaday in kaalmo deg deg ah lala soo gaaro.

Cismaan Maxamed Muqtaar oo ka mid ah gudiga maareynta masiibooyinka G/Sh/Dhexe ayaa sheegay iney weli taagantahay baahida ay qabaan dadkii ku barakacay fatahaadda webiga Shabeele uu ka sameeyay deegaanno ka mid ah gobolka Sh/Dhexe.

“Xaalada Jowhar aad ayeey u xuntahay dadku go’doon ayeey ku jiraan dhinac kastana biyaa uga wareegsan, intaasna waxaa u sii dheeraatay colaadda, hase yeeshee waxaan nahay kuwo u dulqaadandoona insha’allah, mana jirto wax gargaar ah oo la gaarsiiyay barakacayaasha marka laga reebo hey’ad raashin u qeybisay shan boqol oo qoys’’ Ayuu yiri Cismaan Maxamed Muqtaar oo ka mid ah guddiga maareynta masiibooyinka ee G/Sh/Dhexe.

Dhanka kale wuxuu baaq u diray hey’adaha gargaarka iyo dadka Soomaaliyeed ee wax heysta in dadkaasi loo fidiyo gargaar dhan kasta ah maadaama ay isu biirsadeen ayna barakiciyeen fatahaad iyo colaad.

Radio Muqdisho