Gudoomiyaha Baarlamaanka “Shacbiga Soomaaliyeed waxaa lagu yaqaanaa iney isu gurmadaan marka ay dhacdo masiibo la mid ah duufaanta Cyclone”

0
974

Jawaari20130503_5Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shacbiga Soomaaliyeed ee wax heysta iyo dalalka caalamkaba ugu baaqay iney gurmad deg deg ah u fidiyaan shacbiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada Barri iyo Nugaal ee Dalkeenna kuwaasi oo ay saameysay duufaanta Cyclone.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa yiri “waxaan doonayaa inaan muujiyo dareenkeyga ku aadan masiibada ay naftooda ku waayeen Shacab Soomaaliyeed oo ku dhaqan gobollada Barri iyo Nugaal ee Puntland,hor iyo horaan waxaan tacsi u dirayaa dadkii ay ehelladooda ku geeriyoodeen duufaantan,sidoo kalena waxaan tacsi taa la mid ah u dirayaa guud ahaan shacbiga iyo dowladda Puntland oo aan leeyahay dadkii naga dhintay Alle samir iyo iimaan hanaga wada siiyo, Allena naxariistiisa jano ha siiyo”

“waxaan caalamka ugu baaqayaa iney gacan ka geystaan sidii gurmad deg deg ah loogu fidinlahaa dadka ay saameeysay duufaanta Cyclone oo iyagu ahaa dad u badan xoola dhaqato,waxaanna hada warka ku heynaa in dad badan ay masiibadan dhacday xoolahooda ku waayeen,sidoo kalena waxaan shacbiga Soomaaliyeed xusuusinayaa in marka sidan oo kale ay masiibo u dhacdo in nalagu yaqaanay inaan isku gurmanno, saa daraadeed waa inaan u gurmanaa dadka walaalaheen ah ee ay duufaanta Cyclone saameysay”