Gudoomiyaha G/Sh/Hoose oo kulan looga hadlayay ammaanka la qaatay saraakiil ka tirsan AMISOM

0
896

CabdulqadirSiidi20130610Kulan ay isugu yimaadeen mas’uuliyiinta maamulka gobalka Shabeelada Hoose iyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa waxa ay kaga hadleen sidii loo dardar galin lahaa howlaha Amaanka gobalkaasi.

Kulankan oo ka dhacay deegaanka Carbiska ayaa ujeedadiisu aheyd sidii loo horumarin lahaa howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka gobolka iyo sidii gobolka looga ciribtiri lahaa haraadiga maleeshiyaadka Shabaab.

Gudoomiyaha maamulka gobolka Shabeelada Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo kulanka kadib la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen saraakiisha AMISOM looga hadlay amaanka gobolka iyo sidii looga nadiifin lahaa argagixisada Shabaab.

“Waxaan Go’aan ku gaarnay in shabaab laga ciribtiro gobolka Sh/Hoose ninkii isku soo dhiibi waayay jaaniska aan hore u siinay wax kale uma harin oon ka aheyn inaan taalaab adag ka qaadno’’ ayuu yiri gudoomiyaha gobolka SH/Hoose.

Gudoomiyaha gobolka Sh/Hoose ayaa ku boorriyay shacabka ku nool gobolka iney la shaqeeyaan ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM si gobolka looga dhigo meel ka caaggan argagixisada Shabaab isla markaana looga shaqeeyo wax soo saarka iyo horumarka gobolka.

Radio Muqdisho