Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Brussels Kulammo Kula Qaatay Gudiyada Baarlamaanka Midowga Yurub

0
827

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo wafdi Xildhibaanno ah uu hogaaminayo oo socdaal shaqo ku jooga dalka Biljamka ayaa Brussels ee xarunta Midowga Yurub kulammo kula qaatay gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Midowga Yurub qaarkood ayadoo Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka iyo wafdigiisa ay ka qeybgalayaan shir looga hadlayo xuquuqda aadanaha dowladaha Bariga Afrika oo shalay ka furmay Brussels.

Wafdiga Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka uu hogaaminayo ayaa kulammo gaar gaar ah la qaatay gudiyada xuquuqul insaanka iyo arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Midowga Yurub oo ay is dhaafsadeen qibrado qaabka ay gudiyada u shaqeeyaan ayagoo sidoo kalena ka wada hadlay qaabka ay gudiyada labada Baarlamaan wada shaqeyn joogto ah u yeelan lahaayeen.

Mudane Jeeylaani Nuur Iikar Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka oo wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa yiri “waxaan u sheegnay in Baarlamaanka iyo Dowladda Soomaaliyaba ay ka go’antahay in maanta xuquuqul insaanka dhowridiisa ay wax ka qabtaan ha ahaadaan haweenka, carruurta ama wariyeyaasha, waxaan diyaarineynaa xeer ama sharci ku saabsan dhowridda xuquuqul insaanka kaas oo noqonaya mid lagu dhaqma oo la fuliyo,talaabadaasina aad ayey usoo dhaweeyeen”

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in dhinacyadii ay la kulmeen ay si aad ah usoo dhoweeyeen dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya wado ee la xiriira dhowridda xuquuqul Insaanka isagoo intaasina ku daray in Baarlamaanka Midowga Yurub ay ballan qaadeen iney ka taageeri doonaan Baarlamaanka iyo dowladda Soomaaliya sida talaabooyinkaasi loo hirgelin lahaa.

Gudiga Xuquuqul Insaanka,arrimaha Bani’aadannimada,Haweenka iyo Carruurta ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iyaguna dhankooda hor dhigay kulanka maalintiisa labaad ka soconaya magaalada Brussels xaalada xuquuqda aadanaha Soomaaliya,talaabooyinka ay dowladdu u qaaday dhowrida xuquuqul insaanka iyo sida ay uga go’antahay in gudigu hirgeliyo sharciga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya waxaana Gudoomiyaha gudigan Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye ay tilmaantay dhankeeda iney ka go’antahay hirgelinta talaabadan ayadoo dadweynaha Soomaaliyeed uu gudigooda la tashiyo la sameynayo.

Radio Muqdisho

JeylaniInBrussels20131106_4 JeylaniInBrussels20131106_3 JeylaniInBrussels20131106_2 JeylaniInBrussels20131106_1